Madaxweynaha Ukraine oo shaaciyey tirada Askarta Ruushka uga dhimatay Dagaalka Ukraine

Published: June 13, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soosaaray warbixintiisa 24ka saac uu Shacabkiisa kula wadaago xaaladda taagan, waxyaabaha cusub iyo khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda Gobollada Dalkaas.

Volodymr Zelensky, waxa uu sheegay in Askarta Ruushka uga dhimatay Dagaallada ka socda Ukraine ay ka badan yihiin 40,000 (Afartan kun) oo Askari sida uu ku sheegay Warbixintiisa Madaxweynaha Ukraine.

Dhanka kale, waxa uu ku dooday Madaxweyne Zelensky in Dalkiisa uu u baahan yahay nidaamka Gantaallada wax difaaca si loo badbaadiyo Shacabka isugu soo uruuray Caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Waxa uu tilmaamay in baahida keentay in difaacaan uu dalbado ay tahay in kaddib markii duqeyn cirka ah oo uu geystay Ruushka ay sababtay dhaawaca 10 qof oo ay ku jirto Gabar 12 jir ah oo laga daweynayo Waxyeellada soo gaartay.

Dalalka Xulufiyada la ah ee ku garabsiinaya dagaalka ka dhanka ah Ruushka ayuu ka codsaday in ay ku gacansiiyaan sidii Kyiv ay u heli lahayd Gantaallada Difaaca si ay uga hortagaan beegsiga Moscow ee meelaha muhiim ah.

Madaxweynaha Ukraine ayaa 24kii saac mar waxa uu warbixin guud siiyaa shacabkiisa isaga oo u faah-faahiya khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda Gobollada Dalkiisa, halka uu ku dhiira-geliyo in ay waddankooda difaacdaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *