© 2022 Horseed Media Group

golis telecom

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Ciidamada kasoo goosta Ruushka si wanaagsan loola dhaqmi doono

Volodymyr Zelensky Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmi doono ciidamada kasoo goosta Ruushka.

Madaxweyne Zelensky ayaa ka codsaday ciidamada Ruushka inay isaga baxsadaan halkaas ama ay isu soo dhiibaan Ukraine baddalkii loo maxkamadeyn lahaa inay galeen dambiyo dagaal.

“Waxaa wanaagsan laheyd in ciidamada Ruushka ay isku soo dhiibaan Ukraine intii lagu dili lahaa duqeymaheena” ayuu yiri Madaxweyne Zelensky

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha Ruushka Putin uu Sabtidii saxeexay sharci dhigaya in 10 sano xarig ah uu mudan karo askari kasta oo diida in uu dagaalka ka qeyb qaato ama sameeya amar diido.

Horseed Media