Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy oo dhaawac fudud ka soo gaarey shil baabuur

Published: September 15, 2022
Shares6
Volodymir Zelenskyy

Baabuurka Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa shil kula galay magaalada Kyiv arbacadii, sida ay saraakiishu sheegeen, balse dhaawac halis ah ma gaarin.

“Madaxweynaha waxaa baaray dhakhtarkiisa, ma jiraan dhaawacyo halis ah oo soo gaarey,” sidaas waxaa sheegay afhayeenka Zelenskyy Serhii Nykyforov qoraal uu soo dhigay Facebook.

Nykyforov ayaa intaa ku daray in dhakhaatiirta la socotay madaxweynaha ay gargaar degdeg ah siiyeen isaga iyo darawalka gaariga kale.

Gaariga ku dhacay kan madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ahaa mid shacab iska lee yihiin faahfaahin kale lagama bixin.

Maalintii Arbacadii, Zelenskyy wuxuu booqday magaalada Izyum maalmo kadib markii laga xoreeyay ciidamada Ruushka. Waxa uu ka qayb galay xaflad lagu taagayay calanka Ukraine.

Izyum waxay ku taal gobolka waqooyi-bari ee Kharkiv, waxay ku dhowdahay gobolka lagu muransan yahay ee Donetsk waxayna xarun istiraatiiji ah u ahayd hammiga Ruushka ee aaggaas.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *