Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Norway

Published: March 6, 2024
Shares30

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato  horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda.