
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaraya xarunta dhexe ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga (AGA) oo laga
hirgeliyay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka qaybgalay xafladda furitaanka Akademiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA).
Xaruntan waxaa February 2015 dhagax-dhigay Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Sidoo kale waxaa maanta madaxweyne Geelle uu hortegay xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.
Horseed Media