Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo mar kale u sharaxan jagada madaxweynaha maamulkaasi…
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo mar kale u sharaxan jagada madaxweynaha maamulkaasi ayaa maanta la guddoon siiyey shahaadada musharaxnimo.
Axmed Madoobe oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay inuu aqbali doono natiijada doorashada madaxtinimada haddii uu guuleysto iyo haddii laga guuleystaba.
” Waxa aan doonayaa in aan dhamaystiro horumarka Jubaland, haddii layga guuleystona waan aqbalayaa natiijada” ayuu yiri; Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.
Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Madoobe oo warbaahintu weydiisay halka uu aqoonsi ka helayo haddii isaga dib loo doorto, maadaama dowladda Federaalku diidan tahay nidaamka doorashadiisa, ayaa sheegay inuu madaxweyne u noqon doono shacabka Jubaland ee doortay.
Horseed Media