Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland

Published: June 8, 2024

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa daahfurka Imtaxaanka fasalka 8-aad oo Madaxweynahu uu ka daahfuray Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Ganaane.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanadkan ayaa waxaa dhammaan deegaanada Jubaland ka galaya Arday gaaraysa 4,357 kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Horseed Media