Madaxweyne Biden oo amray in lasoo daadgureeyo shaqaalaha Mareykanka ee Suudaan

Published: April 23, 2023
Shares36

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku amray ciidamada Mareykanka inay daadgureeyaan shaqaalaha safaarada Suudaan kadib markii uu talo soo jeedin ah ka helay kooxdisa amniga qaranka.

Madaxweyne Biden ayaa ku baaqay in lasoo afjaro rabshadaha halkaas ka dhacay, iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan.

Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saarayay shaqaalaha Mareykanka ee ku suganaa Suudaan.

Daad-gureyntan, ayay Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin, waxaana shaqaalahan loo duuliyay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah hawlgalkan.

Horseed Media