Madaxweyne Biden oo xaalad deg deg ah kusoo rogay gobolka Carlifonia ee dalka Mareykanka

Published: January 15, 2023
Shares76

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhaawaqay in xaalad deg deg ah la geliyay gobolka California, isagoo amar ku bixiyay in gargaar la gaarsiiyo gobolka kadib duufaan xooggan oo halkaasi ku dhufatay.

Ku dhawaad shan iyo labaatan milyan oo qof oo ku nool gobolkan ayaa waxaa saameeyay daadad iyadoo duufaanta ay ku wajahan tahay dhinaca koonfurta.

Maamulka ayaa sheegay in fatahaado ay saameeyeen gobolka, ilaa sodon kun oo qof ayaa lagu amray in ay ka guuraan guryahooda gaar ahaan dhulka xeebaha ah ee dhaca waqooyiga iyo bartamaha California.

Mowjadaha duufaannada ah iyo daadadka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 19 qof gobolkan dhaca Pacific ilaa dabayaaqadii bishii hore.

Horseed Media