Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo lagu soo dhoweyey Magaalada Baydhabo

Published: March 2, 2023
Shares64

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta lagu soo dhoweyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa mudooyinkii dambe Safar shaqo oo ugu maqnaa Dalka Dibaddisa iyo Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed waxaa dhowaan lagu soo xiray shirkii dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta deegaanadaasi.

Horseed Media