Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xilka ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Galmudug

Published: January 14, 2017

Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Jaamac Xasan Salaad.

Xafiiska Mudane Cabdikariin Xusen Guuleed wareegto ka soo baxday ayaa xilka looga qaaday wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Mudane Cabdikariin Xusen Guuleed ayaa u magacaabay wasiir cusub ee arrimaha gudaha maamulka Galmudug Maxamad Xayir Nuur.

Xilka ka qaadista lagu sameeyey Jaamac Xasan Salaad ayaa lagu sheegay in ay tahay wasiirka oo xilkii gudan waayey iyo amar diido.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *