Madaxweyne Cali Guudlaawe oo sheegay in Al-shabaab guud ahaan laga xoreyn doono Hirshabelle

Published: October 19, 2022
Shares50

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegey in Al-shabaab laga saaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe waxa uu sheegay in deegaanadii lagu weeraray Al-Shabaab aysan ciidanku kala kulmin wax iska caabin ah, isla markaana ay nolosha ku qabteen xubno la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Waxaa jira argagixiso howlgalka Shabellaha Dhexe lagu qabtay, gaar ahaan aagga Xawaadley, ilaa 70 qof ayaa la qabtay, qaar weli baaritaan ayaa ku socda, qaarna waa ku cadaatay inay ka tirsan yihiin argagixisada,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ku sugan deegaanka Raaga-Ceele ayaa sidoo kale sheegay in ay dhowaan isku furi doonaan furimaha dagaalka ee Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Horseed Media