Madaxweyne Cosoble oo xilka ka qaaday maamulkii degmada Beledweyne

Published: January 9, 2017

Cali Cabadillaahi Cosoble madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday mas`uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne, isla markaana magacaabay mas`uuliyiin cusub.

Waxaa xilka laga qaaday guddoomiyihii degmada Beledweyne Maxamaad Cismaan Cabdi oo ku magac dheer Qalaafoow iyo ku xigeenkiisa Muuse Cabdi Daahir.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa loo magacaabay Maxamad Axmad Ibraahim Foodcade, halka ku xigeenka loo magacaabay Khadar Xasan Afrax.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeen cusub u magacaabay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi oo bedelaya guddoomiye ku xigeenkii hore Sheekhdoon Faarax Waare.

Si kastaba ha madaxweynaha mamaulka HirShabeelle ayaa weli si rasmi ah mamaulkiisa ugu baahin deeganaada ostaga maamulkaasi.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *