Madaxweyne Deni oo abaalmarin gudoonsiiyey Saraakiisha Amniga Mudug

Published: September 10, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug isagoo sidoo kalena Abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ku yimi isbedel weyn oo dhinaca Amniga iyo Horumarka ah tan iyo markii Dowladdu ka fulisay howlgalo amniga lagu sugayo oo lagaga guuleystay argagixisadii dhibaatada ku haysay dadka Gobolka Mudug , guud ahaan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in Dowladd iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *