Madaxweyne Deni oo asteeyey Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland

Published: March 12, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kaas oo ku saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.

Xeerkan uu soo saaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku beegmaysa xilli ay dhowaan soo gebagaboobeyso diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha ee doorashada goleyaasha degaanka degmooyinka Puntland.

Guud ahaan deegaanada iyo degmooyinka gobolada ayaa laga sameeyey diiwaan gelinta marka laga reebo gobolka Sool oo ay muransan yihiin Puntland iyo Somaliland haatanna uu dagaal ka socdo.

Horseed Media