Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalka isutagga…
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalka isutagga Imaaraadka Carabta ayaa caawa dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 6dii October 2024 safar degdeg ah oo aan la ogayn ujeedkiisa wuxuu kaga duulay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo laabtay iyadoo aan faahfaahin laga bixin socdaalkiisa, isagoo u yimid daahfurka kalfadhiga 55aad ee golaha wakiiladda dowladda Puntland oo furmaya 26 October 2024.
Dhanka kale, kalfadhigan ayaa lagu casuumay madaxda dowladda Federaalka gaar ahaan xildhibaanada Puntland ku matala labada aqal ee BFS.
Horseed Media