Published: March 1, 2021
by: Horseed Staff
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan casho sharaf ah ugu sameeyey Madaxtooyada Garoowe weriyayaasha Puntland oo Axadii usoo dhamaaday Shirweynihii Afraad ee Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP.
Madaxweyne Deni waxa uu hambalyo la wadaagay hogaanka cusub ee loo doortay Ururka, waxa uu kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan tayaynta Warbaahinta, adkaynta midnimada, Amniga iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Horseed Media