Madaxweyne Deni Oo Daahfuray Shirweynaha 3aad Ee Isbedelka Cimilada Puntland – SAWIRO

Published: January 26, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay shirweynaha saddexaad ee deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey Shirka isagoo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay shirka in dowladdu ciidamada ay dhistay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.

Dowladda Puntland ayaa hore u yareysay cashuurta laga qaado gaas-ka cuntada lagu karsado, si bulshadu ay uga baaqato in ay dhirta jaraan , sidoo kale dowladdu waxay horumarisay tamarta shirkadaha korontada ee Boosaaso taasi oo iyana dhiirrigelinaysa in dadku korontada adeegsado.

Shirweynaha 3-aad ee deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalay goleyaasha Puntland, hay’addaha dowladda kala shaqeeya arrimaha deegaanka, guddoomiyeyaasha degmooyinka, aqoonyahanada, waxgaradka , culimada iyo ururada bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *