Madaxweyne Deni oo diyaarad isaga kala gudbay Garoowe iyo Boosaaso

Published: October 2, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo diyaarad kaga duulay caasimadda Garoowe ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey masuuliyiinta labada gole ee dowladda Puntland, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Safarka madaxweynaha ee gobolka Bari ayaa salka ku haya abaabulka duullaan dagaal oo maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonto dowladda Puntland, kaasoo ku wajahan kooxaha argagixisada ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadoow.

Horseed Media