Madaxweyne Deni Oo Gudbiyey Xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka

Published: October 22, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gudbiyay xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal.

Madaxweynaha ayaa gudbiyey afar xubnood, kuwaas oo kala ah Cabdiweli Tima-Cadde, Muuse Geelle Faroole, Burhaan Cilmi Filig iyo gabar la-taliye u ah Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin.

Maamulada Hirshabbeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa horay u Gudbiyay xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *