Madaxweyne Deni Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiirkii Ugu Horeeyey Ee Arrimaha Bulshada Puntland

Published: January 14, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladdaba waxa uu ka tacsiyeeyey geerida alle naxariistii Janno haka waraabiyee wasiirkii ugu horeeyay ee arrimaha bulshada Puntland Dr. Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu tiiraanyada geerida wasiirka la wadaagayo ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

Dr. Yaasiin Faarax Cartan ayaa kasoo shaqeeyay dhismaha dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, isagoo ka mid noqday Ssgaalkii wasiir ee lagu aasaasay Puntland, sidoo kale wuxuu isu sharaxay xilka madaxweynaha dowladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *