Published: September 12, 2021
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kala diray Golaha Deegaanka ee magaalada Qardho, isagoona magacaabay Gudoon kumeelgaar ah.

Madaxweyne Deni ayaa Gudoomiye kumeelgaar ah u magacaabay Maxamed Faarax Abdiseed ( Buraale ) halka Gudoomiye Kuxigeenna u magacaabay Maxamuud Maxamed Ciise.
Kala dirista Golaha deegaanka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa kusoo aadaysa xilli magaaladaasi ay u diyaar garoobeyso doorasho qof iyo cod ah oo bisha soo socota ee October ka dhacaysa sadex degmo oo ay kamid tahay Qardho.
Horseed Media
M.a