Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee…
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Garoowe (54-aad), halkaasi oo lagu tababarayo dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada, waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystaytababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo dhowaan tababarku usoo xidhmidoono, waxa uu u xaqiijiyey in Maanta uu u socdey shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo sida uu u socdo tababarku.
“Shaqaan u nimi la xidhiidha arrimaha ciidanka, gaar ahaan tababarka, sidaad ogtihiin mudadii u dambaysey dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ciidamada loo tayaynlahaa, haday ahaan lahayd tababarkooda, mushaharkooda iyo hawlgelintoodaba, dabcan waa hawl aad u balaadhan oo aan sahlanayn, waxaan ku faraxsanahay in qorshihii dowladda ay wax ka qabsoomeen, laguna gudajiro oo aan rajaynayno hadafkii la lahaa in laga gaadho oo ay ugu horayso Puntland inay hesho ciidan shacabkeeda iyo dowladdeeduba ay isku halayn karaan.”
“Si loo helo taas waa in ciidanka dhiniciisa maamulka, kala dambayn iyo akhalaaqdiisa la hagaajiyo, agabkiisa iyo xuquuqdiisana la helo, wixii intaas ka dambeeyana waajibaadkooda lagula xisaabtamo Insha Alla”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ciidamada dhallinyarada ah ee tababarku u socdo ku booriyey inay waxbadan ka bartaan sarakiisha ciidan ee soo gaadhey dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ah dhismaha iyo dib u habaynta ciidamada dowladda Puntland. Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey shaqada baaxaddaleh ee sarakiishu ka gaadheen dhismaha iyo dib u habaynta ciidanka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka Daraawiishta, Guddiga Dib u dhiska Ciidanka Dowladda, iyo la-taliyayaal arrimaha ciidanka ah.
HORSEEDMEDIA