Madaxweyne Deni oo ku baaqay in loo diyaar garoobo doorashada, kadib hadalkii Xasan Sheekh

Published: May 6, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus ee ka tirsan Degmada Garoowe.

Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023.

Sidoo kale wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda laga sugayey, Sidaasi darteed loo baahanyahay in Bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay sheegay in ay Puntland 24 maalmood gudahood burbur qarka u saaran tahay, sabab la xariirta doorashooyinkan dadweynuhu codkooda dhiibanayaan, oo uu sheegay in aysan Saamileyda siyaasaddu door ku laheyn.

Horseed Media