Madaxweyne Deni oo ku baaqey xabbad joojin shuruud la’aan ah dagaalka Garoowe

Published: June 20, 2023
Shares6

Dagaal aad u culus ayaa maanta oo salaasa ah ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, dagaalka ayaa yimid kadib markii subaxnimadii hore ilaa 34 xildhibaan ay oggolaadeen qorshihihi xukuumadda ee ahaa in dastuurka wax laga beddelo kaas oo u baahan in uu maro nidaam isla dastuurku u jideeyey.

Dagaalka ayaa geystey khasaaro nafeed iyo mid maal, waxaana ka qaybqaatey ciidamada madaxtooyada, daraawiishta, ciidanka PMPF, ciidanka Booliska iyo ciidamo la baxay Danab oo taabacsan Korneyl hadda ka falaagoobey ciidanka amniga ee Puntland oo lagu magacaabo Col. Jimcaale Jaamac takar, kuwaas oo u abaabulan qaab beeleed.

Dadka rayidka ee ilaa hadda ee ku nafwaayey dagaalka ayaa gaaraya 7 qof, waxaa ku dhaawacmey 10 kale, sidoo kale labada ciidan ayaa la qiyaasayaa in ay isaga geeriyoodeen in ka badan 20 askeri oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Ciidamada taabacsan Jimcaale ayaa looga awood roonaadey gudaha magaalada , waxaana markii xabaddu bilaamatey loo dabamaray saldhigiisi Ligle halkaas oo furin labaad looga furey waxaana ka dhacay dagaal aad u culus, wararku waxay sheegayaan in ciidanka taabacsan Col Jimcaale ay hadda badankood u wareegeen dhanka Saldhigooda cusub ee Salaxley ee Koonfurta Garoowe.

Xaalladda magaalada ayaa degan, waxaa bilowdey isu socodka gaadiidka, sidoo kale waxaa dib u furmey goobaha ganacsiga.

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqey Xabbad joojin, waxaana uu khadka telefoonka kula hadley Islaan Ciise Islaan Maxamed waxaana uu u sheegay in ay xabbadda joojinayaan, laakiin dhanka kale laga helo in ay joojiyaan si shuruud la’aan ah.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa si adag uga hadley dagaalka, waxaana ku baaqey in baarlamanaku joojiyo arrinta keentay dagaalka sidoo kale waxa uu ku dhawaaqey in isimada Puntland shir isugu yimaadaan.

Horseed media