Madaxweyne Deni oo kulan la qaatey bulshada degmada Qardho

Published: August 12, 2023
Shares44

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo laba maalmood ku sugnaa magaalada Qardho ayaa maanta oo sabti ah shir la qaatey bulshada degmada Qardho. Shirka ayaa ka dhacay xarunta Hidde-Soor.

Kulanka waxaa ka soo qayb-galay maamaulka degmada, kan gobolka, wasiiro, odoyaasha dhaqanka, ururada bulshada iyo qaybha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa daarnaa wax ka qabashada daadadka xiliyada roobka magaalada ku soo rogmada, fatahaadii ugu darneyd ayaa dhacdey sanadkii 2020, waxaana magaalada loo ururiyey dhaqaale badan kaas oo aan weli wax lagu qaban oo ay hayeen guddi magaalada ka socda iyo dowladda Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in fatahaadii 2020 si weyn magalada Qardho loogu soo gurmadey, laakiin ilaa hadda aan wax laga qaban, haddase loo diyaar yahay.

Sababta biyuhu magaalada u halakeyeen ayuu madaxweyne Deni ku sheegay in marinadii biyaha la degay, waxaa meesha ka baxay maareynta deegaanka kadib burburkii dowladdii hore ee Soomaaliya, waxaana aan isu dhigmin ayuu yiri kororka dadka deegaameynta iyo maareynta bay’adda.

Shirka ayaa lagu soo bandhigey qorshe lagu dhisaayo Kanaal biyuhu maraan, khasaaradda ama guryaha dumaaya ayaa la sheegay in aysan badneyn oo aad u yar yihiin sida uu sheegay Madaxweyne Deni.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in uu bilowdo maareynta fatahaada biyaha ee magaalada Qardho, lama oga sida loo maareyn doono guryaha loo baahdo in la dumiyo.

Horseed Media