Madaxweyne Deni oo salaadda ciida la tukaday shacabka caasimadda Garoowe

Published: June 16, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Dadweynaha Caasimadda Kula tukaday Salaada Ciidul – Adxaa, Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Laamaha Amniga, Isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.

Horseed Media