Madaxweynaha Puntland M Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaas oo u gogol xaaraysa in dowlad goboleedkaasi uu ka guuro nidaamka Codaynta golaha wakiilada lana gaaro in dadweynuhu codkooda dhiibtaan.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/08/118174928_986923738387813_1900705049524788147_n.jpg)
Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoontay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan isagoo tilmaamay iney wax ka bedel ku sameeyaan Taariikh doorasheeda maamulkani ku dhaqmayey labaatankii sano ee lasoo dhafay.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/08/118322638_986924111721109_6129103396737675112_n.jpg)
Madaxweyne Deni ayaa sheegay iney ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo uu sheegay inuu hadda meel wanaagsan marayo , waxa uuna tilmamaay iney Xukuumadiisu ay Guddiga garab taagantahay , iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda ay xaqa uleeyihiin.
HORSEEDMEDIA