Madaxweyne Deni oo la yaaban halka ay marayso Dimqoraadiyaddiisi!

Published: September 10, 2023
Shares34

Doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee ka dhacay Puntland May, 2023 waxaa laga qabey rajo aad u wanaagsan, in degmooyinku helaan maamulo hagaagsan oo dadku soo doortey ku yimid nidaam dimoqraadi ah, kadibna loo gudbi karo Dowaldda dhexe ee fadhigeedu yahay Garoowe, haddaba xagee wax marayaan? maxaa hortaagan dhismaha goloyaasha deegaanka? mudada harsan iyo sii socoshada Dimoqraadyadda.

Waxaa lagu wadey in 5, September 2023 la fariisiyo 29 degmo goloyaasii deegaanka ee loo dhisey, laakiin arintaasi ma suurta gelin, waxaa ka mid ahaa degmooyinka qaar ururada qaarkood aqlabiyad buuxda oo ay keligood dhisi karaan maamulka degmada waxaana ka mid ahaa, Caluula, Belidhidin, Dhudhub, Gumbax iyo qaar kale.

Sababta ugu weyn ee hortaagan, waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid, waana Xisbiyada oo aan soo gudbin musharaxiitii u tartami lahayd waana dabranahay ayuu yiri, laakiin arintu intaas weyn tahay.

MADAXWEYNE DENI OO YAABAN?

Waxaa la aaminsan yahay sida wax u socdaan in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni qudhiisu aanu ku faraxsaneyn, marar badan oo hore ayaa lagula taliyey Madaxweyne Deni in uu fiiriyo muuqaalka weyn (big picture) ee aanu isku mashquulin waxa hoose, waa maxay muuqaalka weyn, waa Puntland oo si rasmi ah ugu gudubta nidaamka is doorashada ka gudubta kii ay daa’intey 25 sano. Madaxweyne Deni markasta waxa uu isku mashquulin jirey meelo hoose oo xagal daacin ku ah geeddi socodka dimoqraadiyadda, isaga oo eegaya damiciisa, laakiin hadda waay soo dhaaftey “ALAMTARA”. Mid waa xaqiiqo in aan barnaamijka dimoqraadiyadda la isku raacsaneyn oo loo dhameyn gobolo iyo degmooyin ay ka maqan yihiin, mid kale ayaa xaqiiqo ah taas oo ah haddii ururka keliya ee Mucaaradka ah uu doorashada ka haro inaysan dhacayn doorasho, Sababtu waa in ay xoogeysanayaan Mucaaradku oo arrintu tegi doonto kala qabta.

Bilowgii Sanadkan waxaa shir ku yeeshay magaalada Boosaaso Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yusuf, shirkaas ayey isku raaceen arrimo badan, oo keenay in Abwaan Cabdirashiid uu si weyn u taageero doorashooyinka oo uu marki hore diidanaa, tan iyo markaas maalinba maalinta ka danbeysa waxaa Madaxweyne Deni ku hoobaanaayey god, waxaana farihiisa ka sii baxaayey maamulka barnaamijka dimoqraadiyadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo hadda si toos ah ula shaqeynaaya siyaasi horey uga soo shaqeeyey Puntland ayaa si rasmiya ula wareegay talada PEC, waxa uu soo magacaabey afar kamid ah, waxa isaga iyo xulafadiisi ay soo wada shaqeeyeen ay la wareegeen mid kamid ah ururada siyaasadda ee loo diyaarinaayo siyaasiga hore Puntland uga soo shaqeeyey. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu banaanka ku dhisey maamulka PEC, Guddoomiyaha PEC ayuu u magacaabey Fu’aad Adeer oo isaga oo xildhibaan ah uu u magacaabey PEC, halka guddoomiye ku xigeen uu siiyey xubin kale oo isagu magacaabey oo ka soo jeeda gobolka Sanaag. Abwaan Cabdirashiid ma qarsan arrintaas waxana uu kala hadley xubnaha ay soo magacaabeen xisbiyada siyaasaddu isaga oo ugu goodiyey in aysan is sharixi karin.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ah nin khibrad u leh siyaasadda muddona ku soo jirey ayaa hadda yaaban sida wax u socdaan, waxaana muuqata in taladuba gacantiisa ka sii baxayso.

Dhanka kale Ururada KAAH, Sincad, Mustaqbal, Runcad, Shaqaalaha iyo Ifiye ayaa doonaya in ay su tagaan oo dhistaan isbahaysi loogu magacdarey SIKSHAR ama SHIRMAK, qorshaha ugu weyn ayaa ah sidii Xisbiga Mideeye loo dhaafin lahaa maamulka Boosaaso oo ay haystaan aqlabiyadda 39%, isutagga ururadan ayaa haysta 20 xildhiaan. Kaah 9, Mustaqbal 4, Sincad 4, Ifiye 2, iyo Shaqaalaha 1 xildhibaan. Aqlabiyadda lagu dhisaayo ayaa ah 17 Xildhibaan.

Arintan ayaa la dhihi karaa mar kale ma ahan muuqaalka weyn, sida ay sheegayso dimoqraadiyaddu waa in ururka aqlbaiyadda helaa lagu ixtiraamo in uu soo dhiso haddii uu aqlabiyad haysto haddii kalena uu raadsado xulafo, marka uu waayo lagula tartamo, laakiin iyada oo aysan jirin xulafo hore doorashada ka hor ee ay tahay wax haddala dhisaayo, waxaa muuqaneysa in loo midoobayo dagaalka Mideeye oo keliya, taasna aysan ku dhismeyn degmooyinka mugdina ay gelineyso sii socoshada barnaamijka dimoqraadiyadda.

Isku soo duub, Madaxweyne Deni waa adag tahay in uu badbaadiyo wixii ugu weynaa ee uu uga duwanaan lahaa madaxdii Puntland soo martey, waxaa hadda la gudboon in uu Puntland ka badbaadiyo in ay fashilanto oo asaageed ku hor kufto, dagaalona ay ka curtaan, waa in uu si degdeg ah ula fariistaa mucaaradka, talo mideysana lagu aado doorashada nooca ay doonto ha noqoto.

Axmed Yuusuf CALI
axmedyusuf765@gmail.com