Madaxweynaha Dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa taliyaha madaxtooyada Puntland u mgacaabay G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse…
Madaxweynaha Dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa taliyaha madaxtooyada Puntland u mgacaabay G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati).
Hoos ka akhriso wareegtada:
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 15-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1-Waxaa G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Horseed Media