Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Taliyaha Cusub Ee Ilaalada Madaxtooyada Puntland

Published: August 10, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta magacaabay taliyaha cusub ee ilaalada madaxtooyada Puntland, kadib markii shalay hawgal ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay taliyihii hore Col. Cismaan Cumar Maxamed (Itoobiyaan).

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa loogu magacaabay Taliyaha Cusub ee Ilaalada Madaxtooyada Puntland G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

G/sare Cabdiqaadir ayaa inta aan xilka loo magacaabin ahaa taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaana maanta isla digreetadan ku magacaabay taliyaha cusub ee qaybta gobolka Nugaal, G/sare Maxamed Aadan Jaamac.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *