Madaxweyne Deni Oo Soo Dhowayn Loogu Sameeyey Muqdisho

Published: September 22, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kaga qeybgalay xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayo magaalada Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Mahad Cawad, Goleyaasha dowlada federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladda Muqdisho.

Madaxdii iyo masuuliyiinta munaasabada kasoo qaybgashay oo hadalo kala duwan goobta ka jeediyey ayaa ka midaysnaa soo dhowaynta madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay xafladda soo dhowaynta ee loogu sameeyey Muqdisho ayaa u mahadceliyey dhamaan madaxdii soo diyaarisay kulankaan.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay heeso lagu soo dhowaynayo madaxweynaha Puntland, oo hadda Muqdisho ku sugan dhowr asbuuc.

Sawiro:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *