Madaxweyne Deni oo Muqdisho looga yeeray!

Published: December 4, 2022
siciid deni muqdisho

Sida ay sheegayso xog ay heshay warbaahinta Horseed media, waxaa maanta oo Sabti ah safar ka baaqdey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo safar ku tegi lahaa magaalada Muqdisho, xogta ayaa sheegaysa in Madaxweyne Deni sheegay in maalinta Axada ah uu tegaayo Muqdisho isaga oo ka jawaabaya casumaadda uga timid Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkii maalintii khamiista ay isugu yimaadeen golaha xukumadda Puntland, ayuu aad ugu dheeraadey Madaxweyne Deni in uu dhaleeceeyo siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud uu ku wado dalka, sidoo kale waxa uu dhaliiley raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana uu golihiisa wasiirada kula dardaarmey in aysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafka ayaa daaran magacaabidda saraakiil hoggaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo. Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin, sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka baaqdey safar uu ku imaan lahaa Bosaso, oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabtu hor boodayaan taas oo war badan aan laga hayn.

Si kastaba waxaa lagu wadaa maalinta beri ah ee Axadda in uu safar maqaamkiisa hoos loo dhigey uu ku tago Muqdisho. Xogta Horseed Media soo gaartey ayaa sheegaysa in haddii uu ka baaqdo safarka ay dhici karto in ay soo dedejineyso magacaabidda laamaha amniga ee dowladda federaalka oo ay weli hayaan saraakiishii ay ka tagtey dowladdii hore.

Horseed Media