Madaxweyne Deni oo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya kula kulmay magaalada Nairobi

19 August, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs.…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada.

Dowladda Puntland iyo Safaarada Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland.

Horseed Media