Madaxweyne Deni Oo U Safray Itoobiya

Published: October 26, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntand Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Adis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweyne Deni ee dalka Ethiopia, ayaa ku saabsan Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Wax soo-saarka Khudaarta, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *