Madaxweyne Deni oo Wasiiro Cusub Magacaabay

Published: April 19, 2022

Madaxwaynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabey Wasiir iyo wasiiru dowle cusub .

Hoos ka akhri wareegtada lagu magacaabay.

Garoowe: 19 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.

2. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Horseedmedia

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *