Madaxweyne Deni: Puntland & K/Galbeed waxay iska-kaashanayaan Xoojinta Nidaamka Federaalka

Published: September 26, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta  iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *