Madaxweyne Deni: Raysalwasaarihii hawsha sii wadi lahaa weli ma hayno

Published: August 16, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed oo maanta dalka dib ugu soo laabtey ayaa sheegay in dalka isbeddel badan ka dhacay, gaar ahaan wixii ka danbeeyey shirkii Dhuusamareeb 2.

“….Waxaa meesha ka baxay raysalwasaarihii iyo xukuumaddii fulin lahayd waxa lagu heshiiyey horey u sii wadi lahayd, waxaa noo muuqatey haddii taasi meesha ka baxdey in la helo raysalwasaare kale iyo xukuumad hawsha sii wada, laakiin dhankaas lama aadin oo hawlo kale ayaa la iska siiwatey.

Siciid Cabdullaahi Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland ayaa niyad jab ka muujiyey khudbadii Madaxweyne Farmaajo Golaha Shacabka u jeediyey, waxaana uu sheegay in ay si taxadar leh ayaan u eegaynaa, waxaan aaminsan nahyay in hay’adaha Dowladdu xiligeedi uu wada gabaabsi yahay.

Waxaa jira warar sheegaya in Puntland ay shirka ku tegi karto laba qodob oo keliya:

  • In la helo raysalwasarihii iyo xukuumaddii fulin lahayd waxa lagu heshiiyo, xaaladda kala guurkana dalka ka saari lahayd
  • In waxa lagu heshiiyo ay noqdaan kuwo damaanadqaad leh oo fulaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Wadani dalka lexejeclo ka heeysa daniyow hadii aan reer Muqdisho nahay farmaajo cid gacanta ka qabata oo maxkamad soo Sara ma qabno ee please doqonta u hiili waa wiil duduble ah