Madaxweyne Deni TARTAN caynkee ah ayuu u diyaar yahay?

Published: August 2, 2023
Shares8

Khudbaddii munaasabadda kowda Ogoosto Madaxweynaha Puntland wuxuu ku dhawaaqey in uu tartan diyaar u yahay doorashada 2024 xiligeedi ku qabanaayo taas oo lagu gelaayo nidaamka xisbiyada, shacabku soo dooranayaan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada, haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah muddo 150 maalmood ah laba doorasho oo is barkan ama la isku sidkey malagu qaban karaa? maxaa u diyaarsan doorashada? maxaa ku kalifey madaxweyne Deni in uu hadda yiraahdo hala ila tartamo.

Ugu horreyn Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu lee yahay taariikh xusuus mudan taas oo ahayd sida uu u maareeyey doorashadii Xildhibaanada federaalka oo dhamaantood uu ku qaatey dambiil si uu uga qaybgalo TARTAN ka dhacaayey magaalada Muqdisho taas oo calaamad u ahayd dimoqraadiyadda waxa uu ka aaminsan yahay, taasi waxay muujineysaa in TARTANKA uu isu diyaariyo sahaydiisana diyaarsado.

Madaxweyne Deni waxa uu xariif ku yahay in uu jeexdo halka uu maraayo muddo dheer ayuu ka si shaqeeyaa, waxaa u soo baxdey si uu shanta sano ee soo socda ugu guuleysto mar kale in uu ku soo noqdo xafiiska Madaxweynaha, ugu horreyn waxa uu meesha ka saarey shuruucdii iyo dastuurkii bulshadu ku heshiisey waxaa loo beddalay dhamaan qodobadii caqabadda ku noqon karey damaciisa, waxaana uu gacanta ku dhigey awoodii oo dhan.

XISBIYO AAN HAYSAN KALSOONIDA SHACABKA

Madaxweyne Deni si uu meesha uga saaro saddex xisbi oo ay dhici karto in labo kamid ah noqdaan mucaarad, waxa uu la yimid xisbiyo badan oo qaarkood ka helin doorashooyinkii 10 cod, Xisbiyada loo jebiyey dastuurka iyo shuruucda in badan oo ka mid ah kama tartamin 60% magaalooyinka Puntland, sababta ugu weyn ayaa ah sidii saameyn loogu yeelan lahaa dhismaha Guddiga Doorashooyinka ee Puntland ee loo yaqaan PEC. Maanta waxa uu naawilayaa in 14 ka xubnood oo guddi doorasho ah u ku yeelan karo ugu yaraan 11 ilaa 12 xubnood, 3 ka imaanaya golaha wakiilada, 4 uu Madaxweynuhu magacaabayo iyo qaar kale oo xisbiyada uu abaalka u dhigtey ay soo magacaabayaan kuwaas oo aan haysan codka dadweynaha.

GARSOORKA

Maxkamadda sare iyo tan dastuuriga ah waa halka iska leh go’aanka u danbeeya, waxaa cad in uu meel dhigtey oo aysan ka hor imaan karin damaciisa, waxaana lagu ogaan doonaa sida ay ka yeelaan ku tumashada dastuurka iyo shuruucda kale ee ururada qaarkood u gudbiyeen sida ay ku dhameeyaan iyo jawaabta ay bixiyaan.

SHURUUCDA DOORASHADA

Si loo xaqiijiyo riyada dib u doorashada Madaxweyne Deni waxaa la beddalay qodob dastuuri ah kaas oo dhigaayey in nidaamka Puntland uu yahay baarlamaani, ama baarlamaan la soo doorto in ay doortaan Madaxweynaha, waxaa lagu dhaqmaayey tan iyo sanadkii 1960, haddii nidaamkaas laga guuraayo waxay u baahan tahay shuruuc adag, dadweyne leh aqoonsi ee aan doorasho keliya loo diiwaan gelin, si loo yaqaano muwaadinka dhabta ah ee doorashada ka qaybgeli kara, waa nidaamka kelitaliyaasha Afrika ay doorashooyinka ku boobaan, dal aan shruuc adag lahayn, hubkuna baahsan yahay.

Wakhtigan aan qoraalkan qoreyno Madaxweyne Deni waxa uu gacanta ku hayaa sharcigii doorashada Madaxweynaha iyo sharcigii Golaha Wakiilada ee Puntland, waa dawaarle ama kharkhaanle shaatigiisi tolanaya, mana jirto cid wax laga weydiiyey iyo Xisbiyo lagala tashtey, waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in Baarlamaanka loo gudbiyo si ay laxanka ansixinta u saaraan.

Markii ay gacanta kuugu jiraan Xisbiyadii siyaasadda oo aysan jirin mucaarad xisbiyo ah, markii aad haysato aqlabiyadda guddiga doorashada ugu yaraan 90%, markii ay gacanta kuugu jirto maxkamddi sare ee kuu sharciyeyn lahayd waxaad rabto, markii aad adigu soo qoratey sharcigii doorashada lagu gelaayey, maxay tahay sababta aad TARTANKA uga cabsataa, taas waxaa u dheer, ma jiro ciidamo Boolis ah oo doorashooyinka awood u leh in ay ilaaliyaan, waxaana arintaas lagu bartey doorashadii goloyaasha deegaanka ee 30 degmo, waxa ilaalinaayey Ciidamada Badda ee Imaaraadka carabtu dhiseen ee loo yaqaan PMPF, kuwaas oo dastuuriyan meelna ka soo gelin in ay doorashooyinka ilaaliyaan, cidankaas oo xiriir dhaw la leh Madaxweynaha.

Intaas oo dhan markii ay gacanta kuugu jirto, sow tartan diyaar uma tihid?

Qore: Ismaacil Xaaji Siciid