Madaxweyne Erdogan Oo Taageeray Midnimada Iyo Madax-Banaanida Soomaaliya

Published: January 5, 2024

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Horseed Media