Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo kulansiiyey Shirguddoonka labada Aqal – VIDEO

Published: September 22, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad goboleedyadu ayaa kulan la qaatey Shirguddoonka labada Aqal ee jamhuuriyadda Federaaliga ah.

Kulankan ayaa lagu muicneeyey in uu yahay sidii labada Aqal ay mudada yar ee u harsan dib ugu wada shaqeyn lahaayeen meeshana looga saari lahaa khilaafkii labada Aqal kala fogeeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka jamhuuriyadda maxamed Mursal ayaa markii Sharciga doorashada wax laga beddalaayey diidey in loo gudbiyo Aqalka Sare waxaana uu sheegay in aysan shaqadooda ahayn, arrintaas waxaa ku raacey Madaxweyne Farmaajo oo sheegay cidda metesha Dowlad goboleedyada in ay yihiin Golaha Shacabka oo keliya.

Sababta kulankan loo qabtey ayaa ah heshiiska doorashada ee Muqdisho oo wada jir loo geynayo Baarlamaanka in la xaliyo khilaafkii u dhexeeyey labada aqal, taas oo carqalad ku noqon karta in heshiiska la ansixiyo.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment