Madaxweyne Farmaajo Jawaab uma waayin Sool iyo Sanaag ee sababtu maxay ahayd?

Published: September 27, 2020

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii u horeysey oggolaadey in uu horyimaado shacabka si su’aalo loo weydiin karo, inkasta oo aad loo dhaliiley qaabka lagu soo xuley ka qaybgalayaasha barnaamijka oo ay daadihanyeen machad la yiraahdo Raas.

Waxaa jira dhaleecayn faro badan oo ka socota baraha bulshada taas oo ku aadan qaabka Madaxweynuhu isaga moosey su’aal laga weydiiyey Sool iyo Sanaag, su’aasha ayaa isugu jirtey laba qaybood.

Qaybta kowaad ee su’aasha ayaa ahayd, maxay tahay sababta gobolada Sool iyo Sanaag loo yiraahdo dhul lagu muran san yahay, maadaama cidda isku haystaa ay yihiin laba gobol ama qaybood oo isla Soomaaliya ah.

Qaybta labaad ee su’aasha ayaa ahayd haddiiba laga dhigo goob lagu muran san yahay, maxaa sida Xildhibaanada Somaliland ee Muqdisho lagu dooranayo iyagana sidaas oo kale loogu dooran waayey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah madaxa Qaranka u sareeya ayaa sheegay in su’aashaas ay ku adag tahay oo aanu ka jawaabeyn.

Waxaa jirta aragtiyo kala duwan oo laga bixin karo jawaabta Madaxweyne Farmaajo.

Aragtida ugu macquulsan ayaa ah, in Madaxweyne Farmaajo lee yahay qorshe sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Xildhibaanada ku soo gala Baarlamaanka magaca Somaliland laakiin lagu doorto Muqdisho, sidoo kale Xildhibaanada gobolka Sool waxaa u socda qorshihii uu ka lahaa haddiiba ay u suurta geleyso, waxaana uu diidan yahay in jawaab kasta oo uu bixiyaa ay ka carqaldeyso, ama ay kashifto jihada uu u socdo.

In badan oo kamid ahaa tageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo ka soo jeeda gobolada Sool ayaa sheegaya in afartii sano ee u danbeysey ay qar cidlo ah jafayeen, waxay sheegayaan in ay horey ugu soo dulqaateen wada hadalkii Jabuuti ee uu ku xadgudbey masiirka gobolada Somaliland sheeganayso, laakiin tan ay tahay mid aan loogu dulqaadaneyn taariikhdana u gashey.

Waxaa qoray: Samatar Cali

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Farmaajo waa qof ku dhib ah inuu hadal ummada wax ku deeqsiiyo. Waa hadal barad.
    Siyaasadu waxey dooneysaa qof ummadda wax u sheegi kara oo qancin kara.

    Farmaajo, bal eeg, goortuu hadalayo waa nin hadalka ku mergada.

  2. Waxaan maqli jiray, ” wanku cirka ma arko ilaa la gowraco!” Hadda, Reer Sool, weli, ma garan la’yihiin “meesha ay sartu ka guruntay” iyo halka ay ahayd in laga baadi goobo, xalka Deegaanadaas!?