Madaxweyne Farmaajo Oo Berri Hortagaya Golaha Shacabka

Published: August 14, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa berri oo sabti ah waxaa uu khudbad ka jeedin doona xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga khudbadda madaxweynuhu waxay noqon doonto iyadoo la saadaalinayo labo arrin midkood, inuu baarlamaanka dhiirigeliyo oo uu ku adkaysto doorasho qof iyo cod halkaasna kaga dhawaaqo muddo kororsi ama inuu golaha ka cadeeyo dowladiisu inay ku fashilantay nidaamkaas doorasho.

Khudbada madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu berri ka furmi lahaa Dhuusamareeb wajiga seddexaad ee shirka dowlada federaalka iyo dowlada xubnaha ka ah, kaasi oo hadda u muuqda fashil inuu yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *