Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xafiiska Telefishinka Qaranka.

Published: February 2, 2020

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeeray Xarunta Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 ee dhawaan lagu soo kordhiyey, kaas oo loogu  tala galay baahinta arrimaha wacyigelinta bulshada iyo xoojinta wadaniyadda.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray xarunta Wasaaradda Warfaafinta waxaa uu soo kormeeray qeybaha Wasaaradda gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 oo dhawan laga hirgeliyay xarunta Wasaaradda, waxaana uu warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo dhamaan howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta si ay uga go’antahay baahinta barnaamijyada la xiriirta waddaniyadda iyo wacyigelinta bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *