Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Eritrea – VIDEO

Published: October 4, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, Waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey dhigiisa Eritrea Madaxweyne Isaias Afwerki iyadoo halkaasi loogu sameeyey soo dhowayn heer sare ah.

Waa booqashadii seddexaad ee uu madaxweyne Farmaajo ku tagayo Eritrea, tan iyo bishii Janaayo 2020 markaas oo uu kaga qaybgalayey shirar looga hadlayey ka miro-dhalka tallaabooyinka isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada gobolka, la dagaalanka argagixisada iyo arrimo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa Eritrea kaga soo kicitimay koonfurta Suudaan halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *