Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyada Calanka U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Published: October 12, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguuradda 66aad ee kasoo wareegtay markii la taagay Calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Alle naxariis uga baryay dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horana uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkoodu ugu nool yihiin.

“Maanta waa maalin wayn, Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah”

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay inay u midoobaan ilaalinta dowladnimadooda iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya argagixisada Alshabaab iyo cid walba oo duulaan ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *