Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jabuuti ee caasimadda…
Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Wafdi uu madaxweynuhu hoggaaminayo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda
Wafdiga Madaxweynaha ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan wadahadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.
Wadahadalandan oo uu martigalinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaa Sidoo kale lagu casuumay ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed, Safiirka Maraykanka ee Somaliya, wakiillo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.
HORSEEDMEDIA