Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Drs. Xaawa Dhiblaawe

Published: August 5, 2020
Madaxweyen farmaajo
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida dhakhtarad Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo saaka ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay inay dhakhtarad Xaawo muddadii dheer u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo ahayd dhakhtar si weyn looga yaqaan geyiga Soomaaliyeed ayaa lagu xasuusta halgankii  ay u soo gashay bulshada Soomaaliyeed mudadii uu dalka ku jiray burburka, waxayna magaalada Muqdisho ka samaysay xero ay dagaan barakacayaasha iyo cisbitaal lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka.

Drs. Xaawo Cabdi Dhiblaawe

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *