Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Warbaahinta Madaxa Bannaan-Sawiro

Published: March 5, 2017

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta.

Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay kusoo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo uga mahadceliyay sidii ay u garab istaageen xilligii uu ahaa Ra`iisul Wasaaraha, oo ay xukuumaddiisa dagaal adag kula jirtay kooxda aAl Shabaab . Dagalkaas ayaa markii dambe looga xorreeyey maleeshiyada magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar.

Mudane Farmaajoayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada saxafiyiintii Soomaaliyeed ee naftooda u waayey sidii dalkan u gaari lahaa nabad, isla markaanna dhallinyarada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa afkaaraha gurracan ee kooxda shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa xaqiiqo ah inaad dhibaatooyin badan la kulanteen si la idinka hor istaago inaad bulshada u gudbisaan runta. Mas’uuliyad iyo waajibaad idin saaran ayaa jira, dowladdana masuuliyad iyo waajibaad saaran baa jira sidaad darteed waa inaan iska kaashannaa sidii aan dalkeenna u nabadeyn lahayn.”

Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday bahda saxaafadda in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay wada shaqeyn buuxda la yeelato, waxa uuna ka codsaday in ay dhankooda kaalin mug leh ka qaataan wacyigelinta bulshada ee xagjirnimada, abaaraha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.”

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *