Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhoweeyey Jabuuti – VIDEO

Published: December 19, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shirka 38-aad ee aan Caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *